19 Nov, 2024

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

  • Taliyaha ayaa haweenka ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaataan ka shaqeynta nabadda, horumarinta bulshada, iyo xasilinta amniga guud ee dalka, isagoo u balanqaaday inuu tixgalin gaara siin doonno codsigooda ah in haweenka boliiska ku jiro la dalacsiiyo, xilal sar sarana laga siiyo hay’adan.
  • Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dhinaca kale tilmaamay in haweenka qaranka ay udub dhexaad u yihiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madaxbannaanida iyo midnimada dalka, wuxuuna ku booriyay iney dadaalkooda halkaasi kasii wadaan.
  • Taliyaha waxaa kulanka ku wehlinayay G/le Qaali Axmed Cadaan oo ah Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Boliiska iyo Bulshada.
  • Time:

    9:00 to 12:00

  • Date:

    11 Nov, 2024

  • Category:

    Articles

  • Location:

    somalia