Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed (SNWO) waxaa la aas aasay horraantii 1960-kii kadib markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay. Waa urur samafal oo aan macaash doon ahayn iyo dallada haweenka oo si sharci ah u diiwaan gashan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda Soomaaliya. Ururkan waxaa aasaasay koox haween ah oo xirfadlayaal ah oo si mutadawacnimo ah uga go’an midaynta haweenka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo ka qayb galka firfircoon ee hawlaha bulshada iyo dawladda heer kasta: heer degmo, gobol iyo heer qaran. Hadafka SWNO waa in la isu keeno haweenka lana xoojiyo bulsho ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba si ay ula kulmaan arrimaha gaarka ah ee ay kala kulmaan bulshada dhexdeeda. Wali waa ururka kaliya ee heer qaran, gobol iyo degmo
SNWO waxa ay odorosaa in la helo haween Soomaaliyeed oo midaysan oo awood leh oo ku nool nabad, xasillooni, caddaalad, iyo barwaaqo dalka oo dhan, lehna qaabab sharci ah oo loo dhisay.
SNWO waxa ay taageertaa helida barnaamijyada haweenka muddada dheer, sida karti-dhisidda iyo xaaladaha hab-nololeed wax ku ool ah iyada oo loo marayo xoojinta haweenka, waxbarashada TVET, iyo xarumaha caafimaadka, iyo sidoo kale u doodista xuquuqda aadanaha, wacyigelinta xadgudubyada ku salaysan jinsiga, iyo isdhexgalka bulshada.
Hubi in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan golayaasha go’aan gaarista, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka, siyaasadda, bulshada, iyo hawlaha horumarinta iyo barnaamijyada.
Mashaariicda ururka haweenka oo ay ku jiraan, kalluumaysiga, digaagga, beerashada iyo xirfadaha guriga
© All Copyright 2024 by SNWO